In qofku jeclaado in uu sayid noqdaayi waa arrin basharka ku abuuran, addoonsiguse waa tilmaan ama xaalad aad u liidata oo basharku ku dhaqmo. Dadka Soomaaliyeedna labadaa arrimoodba waa ku caan ama qabiil ha weyneeyeen ama qof madax ah ha weyneeyeen.

Sidaa ay tahayse, ma jiri karo qof sayidnimo ku dhaqmaa haddii aanu jrin dad diyaar u ah in la addoonsado, oo ay addoomo ugu noqdaan… Sidaa darteed, waxa waajib ah in horta dagaal lagu qaado dhaqanka addoonimada inta aan xididada loo siibin shaqsiyaad dulmifalayaal ah oo keli-talisyo ah, amase weynaynta qabiilka.

Waa arrin dabiici ah oo caqli-gal ah in la diido oo lala dagaalamo in uu qof qof kale sayid u noqdo ama qabiil qabiil kale sayid u noqdo. Hase ahaatee, in insaanku ogolaado in la addoonsado ama addoon qof ama qabiil u noqdo waa cudur dhaqan oo ay lagama maarmaan tahay in la daaweeyo, mase aha arrin cadaawad ku salaysan oo ay tahay in lala dagaalamo!

Shaki kuma jiro in qirista la qiro in ay sii socoto sharciyeynta nolol ogol sayiddo iyo addoomo, in ay ka dhigayso ka hadalka karaamada insaanka ama jiritaankiisaba, hadal aan wax macno ah samaynayn.

In qof kelidii-talis ah oo dulmi fale ah la ridaa haddii ay tahay arrin loo garaabo, samayntoodana waxa waajib ah in ay kaba horeyso ridistiisa!

Ridistooduna ma samaynayso xoriyad iyo dad xor ah, maxaa yeelay shicibka ayaa sameeya keli-taliska iyo kaabo qabiilka, marka ay qaataan dhaqanka addoonimada ee uu qofku insaan weyneeyo isagoo mid kale hoos u dhigaya.

Haaddiiba loo garaabo in qof uu weyneeyo qof kale, sababtii la rabo ha loo yeelee, waxa hubaal ah in qaar la weyneeyo oo halkaa ay soo baxaan keli-talisyo ama qabiilo isku haysta in ay kaligood talin karaan!

Markii Rususha laga weyneeyey basharnimadoodii, waxay keentay in kuwii raacayna la weyneeyo, kuwii kuwaa raacayna la weyneeyo, ilaa ay ka abuurantay dhaqanka weynaynta iyo addoonsiga dadka naf ahaan itaalka daran. Taas oo ay bulshooyinkii isku bedeleen beero dad ah oo soo saara keli-talisyada.

Dhaqanka iyo aaminaada ah in nolosha laga weyneeyo xoriyaddu waxay qiil siinaysaa in lays addoonsado. Ummad kasta oo aaminta ama weynaysa sharciyad jidaynaysa in uu qof qof kale addoonsado, ama qabiil qabiil kale ka fiican yahay, ummaddaasi uma qalanto xaqna uma laha in ay doonto xoriyad. Ummadda sidaas oo kale ahi waxay hoy u tahay kaliya dad addoomo ah oo buka. Waanay uga Khatar badantahay xoriyadda iyo karaamada bani aadamka, ta ay ku hayaan kelidii-talisyadu.

Dhaqanka weyneeya dullinimada iyo daciifnimada ee dadka ugu yeedha samir iyo in ay sugaan isbedelka iyo guusha u soo soctaa – xataa haddii uu waaqicu beeneeyo boqolaal sano, waxa hubaal ah in uu aakhirka yahay dhaqan sameeya addoomada iyo kelidii-talisyada oo wada socda.

Dadka maangaabka ah, ama itaalka daran, ama aqoongaabka ah ee rumaysta dhaqanka weynaynta ee aaminaa, waxay noqonayaan dad ku haboon in ay addoomo soo saaraan iyada oo ay adeegsanayaan intooda yar ee garaadka leh ee fahamsan beenta iyo dhalanteedka ay huwanyihiin dhaqamadaasi.

Keli-talisyadu iyo kuwa dadka adoonsadaa, waxay fikradahooda kala baxaan mabaadi’da diiniga ah ee xaaraantimeeya in dadka raacsani aanay arkin ama dan ka gelin waxa ay dadka kale aaminsanyihiin. Sidaas, ayey ku sameeyaan addoomo iyaga uun raacsan oo iska ooday dadka kale ee deegaanka kula nool, ilaa ay jahligooda iyo addoonsigoodu u tuso in ay ikhtiyaarkooda ku raaceen oo ku ogolaadeen in loo taliyo.

Kuwa shardi uga dhiga xorriyadda rag, waqti ama meel gaar ah, qiimaheedana u yeela saqaf, kuwaasi waa kuwa abuura dhaqanka addoonsiga, waana kuwa keydiya midhihii (shinnidii) ay ka baxayeen kali-talisyadu.

Dadka xorta ah ee dhabta ahi waa kuwa abuur ahaan xorta ah, ee ruuxooda uga siiba jidhkooda marka ugu horeysa ee ay xorriyaddu ka dhimato gudahooda, waa kuwa ku raaxaysta in ay noloshooda u huraan si ay xorriyadaa u helaan, si la mid ah sida ay dadka oo dhani ugu raaxaystaan in ay xoolahooda ku iibsadaan macmacaanka nolosha ee ay jecelyihiin.

Xorriyaddu uma baahna meel , xaalad, ama hogaan gaar ah si loogu dhaqmo. Xorriyaddu waa habdhaqanka dadka xorta ah meel kasta, waqti kasta iyo duruuf kasta. Sida uu addoonsiguna u yahay habdhaqanka iyo akhlaaqda addoomuhu u muujiyaan sayidadooda oo weliba maskaxdooda ku abuurta sayiddo hadday sayid dhulka ka waayaan. Taas oo tahay kaliya in ay ku dhaqmaan addoonimaddii una muujiyaan in ay sidaa jecelyihiin!!!

Qofka xorta ahi waa xor isagoo ku jira jeel gudihii, addoonkuse waa addoon jeelkiisu aanu gidaar lahayn.

In kasta oo ay ahmiyad leedahay ridista kali-talisku, haddana waxay ku ekaanaysaa dadaal badan oo keenay midho aan sidaa u badnayn oo sidaa u sii waaraynin haddii ay weli meesha jirto dhaqankii kaydinayey midhaha ay ka abuurmaan kelidii-talisyadu, sida labaatan sano in ka badan ka muuqata dalkii Soomaaliya la odhan jiray ama laga dheehsan karo maamulada ka jira ama ka jiri doona dhulkii Soomaaliya la odhan jiray.

Sidaa darteed, wax macno ah ma samaynayso in jidhka qofka laga xoreeyo gidaarkii jeelka siyaasadda, haddii uu weli caqligiisii maxbuus ku yahay gidaarkii dhaqankiisa!

Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax.