Islaamnimadu maaha wax la sheegto ee waa in siday tahay ee Allah rabo loogu dhaqmo. Islaamnimadu maaha wax lagu shaqaysto oo xoolo, manfac iyo magac adduun lagu raadsado. Islaamkuna maaha wax jiritaankiisa muslimiinta laga rabo balse jiritaankoodaa u baahan Islaamka.

Muslimnimadu waxay ku bilaabantaa kuna dhamaataa marka qofka sheeganayaa uu si dhab ahaan u dareemo in aanu cid kale u baahnayn Allah mooyaane. Qofka haddii habdhaqankaa laga waayo oo aanu ku dabaqin nolol maalmeedkiisa, waxaan shaki ku jirin in uu ku noolaanayo nolol cidhiidhi ah, sida ka muuqata maanta dadka iyo dalalka muslimka ah.

Markaad addunyadan u fiirsato, waxaan wada ognahay dadka ugu dhibaatooyinka badani, uguna baahida badani in ay yihiin dunida muslimka ah. Qaxootiga adduunka iyagaa ugu badan dad ahaan. Dawladaha ugu hooseeya jaranjarada horumarku waa kuwa muslimka sheegta. Boqolka dawladood ee ugu musuqmaasuqa badan oo ay Soomaaliya kaalinta kowaad ka tahay, afartan ka mid ahi waxay xubin ka yihiin ururka aan ka shaqeeyo ee la yiraahdo Ururka Wax-wada-qabsiga Islaamka (Organisation of Islamic Cooperation) oo ay ka mid yihiin dawladaha ugu hodansn xagga soo saarka bitroolka.

Boqolaal milyan oo muslimiin ah ayaa akhrista suuradda “al-Ikhlaas” ee ah: “Qul huwa Allahu axad, Allaau Samad, lam yalid walam yuulad, walam yakun lahu kufu’an axad.”, wax yarbaase si fiican u dhuuxa macnaha ay xambaarsantahay oo ku dhaqma. Suuraddaa waxa ku jira erayga “samad” oo aan qur’anka meel kale kaga jirin, isla markaana xambaarsan tilmaan Allah u gaar ah oo cid la wadaagta aanay jirin. Erayga Samad macnihiisu waxa weeyi “kii wax kasta iyo cid kastaa u baahnayd ee aan isagu cidna u baahnayn”. Tilmaantaasina waxay gaar u tahay oo kaliya Allaah, Cid sheegataana ma rumayn karto.

Sababta sifadaasi gaar ugu noqotay Allah, waxa qeexaysa aayadaha ka dambeeya ee suuradda oo ah “lam yalid” ubad ma dhalo, “walam yuulad” isagana lama dhalin, “walam yakun lahuu kufu’an axad” mana ahaan xagiisa cid u dhigantaa.

Haddaba, haddii uu qofka muslimnimo sheeganaya uu aamino in Allaah mooyee cid kalena uu u baahanyahay isagana cid kale u baahan karto oo uu wax u hayo, waxa cadaanaysa in uu qofkaas toos ugu hor yimid in uu rumeeyo sifadii Allah gaarka u ahayd oo uu meesha keenay in uu cid kalena oo loo baahan karaa jiro, isagana cid kale u baahan karto.

Taas ayaana sabab u ah in maanta dadka islaamka sheeganayaa ay noqdaan kuwo cid kasta u baahan si ay ugu noolaadaan nolosha ugu hoosaysa ee qof ku noolaan karo, iska daa nolol fiicane. Waana ta keenty in ay cadaalad, nabadgelyo iyo nololba ka raadinyaan meel aan dalalkoodii ahayn. Dalalkoodu si ay u fiicnaadaana waxay ka rajaynayaa waxqabadka cid aan Allaah ahayn!

Maadaama akhristayaasha qoralkan ee sharafta lihi ay soomaali yihiin, Soomaalidana lagu sheego in ay boqolkiiba boqol muslim yihiin, Soomaaliyana loo aqoonsanyahay dawladda ugu musuqmaasuqa badan amase “dawlad fashilantay”, waxa isweydiintu tahy, ma Islaamnimadaa sidan ugu wacan mise iyagaan islaamnimo ku dhaqmayn??  Jawaabtu, ra’yi ahaantayda, waxa weeyi: Soomaalida maantu, in yar oo Allah u gargaaray mooyee, waxay dhamaan baahidoodii ka raadinayaan meelo kale oo aan Allah ahayn. Meelahaasi ama ha noqoto qabiil ama qof ama wadan kale e. Tusaale ahaan : 1) Qaar baa waxay aaminsanyihii ilaa qabiilkoodu dawladda madax ka noqdo in aanay manfac ka helayn, sidaa darteed ayey dawladdo gaar ah u kala samaysteen ilaa inta dawlad ay madax ka yihiin laga helayo 2) qaarna waxay yidhaahdeen, Soomaaliba waan ka go’nay oo anagaa dawlad ah balse waxaan u baahanahay in nala aqoonsado si aan wax u qabsano!! 3) qaar kalena kuwaa la aqoonsan waayey ayey ka sii go’een si ay madax u noqdaan, markay madaxnimo ka waayeen. Qaarna iyagu waxaabay ku tashadeen in ay magac islaamnimo xukun ama dawlad ama xoolo ku helaan. Kuwaasina kuma koobna kuwa kitabka iyo qoriga ku labistay ee dagaalka xukunka ku rabo, balse kuwo kale ayaa dhawaan soo ifbaxay oo iyagu kitaabkii u qaatay in ay dumarka iyo qaxootiga soomaaliyeed baryada Allah kaga iibsadaan!!

Gebagabadii iyo gunaanadkii, waxaan walaalahayga soomaaliyeed ee muslimka ah kula talin lahaa, aan iska ilawno fikradda qabiil iyo qof baan wax innoo qaban kara, oo aan aaminno in Allah kaliya aan u wada baahannahay, hadaadse aaminsantahay in qabiilkaaga ama jilibkaagu wax kuu qaban karo ama qabiil kale wax ku yeeli karo, ogow in aad garab marsantahay qawlkii illaahay ee ahaa in isaga uun loo baahanyahay. Allah wuxu yidhi: “waman acrada can dikrii, fa inna lahu maciishatan dankaa, wa naxshuruh yawmal qiyaamati acmaa” (Suurada Daaha – 125) oo macnaheedu tahay cidda ka leexata xasuustyda, waxa u sugnaatay nolol cidhiidhi ah, maalinta qiyaamana waxan soo ururin doonaa iyagoo indho la’.

Waxaanan inna xasuusinayaa in aanu Islaamka wax ka fiicani jirin, muslimiin lunsanna wax ka xumi aanu jirin!!!

Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax