Raad-Xumada ay Keento Sandulleynta ku wajahan Diinta, Dhaqanka, Qabiilka ama Fikirku

Sandulleyntu waa xaalad ka dhalata marka qof, ummad, ama xataa xayawaan, lagu khasbo (kallifo) ku dhaqanka fal aanay ciddaasi ku qanacsanayn. Waxaanay noqon kartaa mid muuqata, sida midda ay koox-diineedyad xagjirka ah iyo kuwa kaleba adeegsadaan, iyo mid dahsoon sida midda dad ama dawladdo dano gaar ah wataa ay u adeegsadan caadifad qabiil, ciriq, jinsi, iwm si ay beelo ama bulsho walaalo ah oo deegaan iyo dal wadaagga ay isaga hor keenaan ama ku qayb-qaybiyaan. Labadaa noocbana maanta dadka Soomaalida si balaadhan ayey dhexdooda uga muuqata, in yar mooyaane. Sandulleyntuna waxay ku timaadaa, ugu yaraan, labo siyaabood oo kala ah: xoog-sheegasho la adeegsado quwad aanu qofkaa ama ummaddaasi u babacdhigi karin, iyo caadifad badan iyo cilmi-yari isugu biirtay cidda sandulleynta lala rabo.

Maadaama, guud ahaan, ay diintu tahay aasaaska nolosha bulsho kasta, bal aynnu isku dayno in aan sharax kooban ka bixinno diinta Islaamku waxa ay ka qabto sandulleynta:

Diin xagga Allah waxa ka ah Islaamka, “Inna Diina cindallahi Al-islaam – Aal-alcimraan 19”. Hadana sidaa ay tahay, Allaah (SWT) cidna kuma sandulleeyo diinta islaamka. Maxaa yeelay, Allah bani-aadamka wuxuu ku mannaystay rabitaan xor ah (free will) iyo caqli, markaa qofna diinta uu aaminsanyahay qof kale kuma sandulleyn karo, haddii ay dhacdana, Allah kama aqbalayo mar haddii qofkaa la khasbay aanu qalbiga si daacad ah uga aaminsanayn. Sidoo kale qof gaalnimo lagu khasbayna, Allah kuma ciqaabayo illaa inta qalbigiisu aanu sidaa ku qanacsanayn. Sidaa darteed, qofna xaq uma laha in uu qof kale ku khasbo fikir, diin uu aaminsanyahay ama mad-hab uu raacsanyahay. Caqli iyo cilmi in lagu fahmo diinta iyo wixii fiicanba oo ka dibna laysku qanciyo ayuu Allah ugu talogalay. Qur’aankana meelna kagama jirto, Nebi dadkii loo soo diray isku dayey in uu ku khasbay diinta ama ugu hanjabay hadday raaci waayaan in aanay dadkaasi nolol iyo xorriyad midna ku naaloonaynin!

Cashar waxa innoogu filan rasuulkeenna suuban (CSWS) markii uu ka il-waayey dadkii Makka ee uu is yidhi bal kuwa magaalada “Taa’if” degan ku soo eeg in ay qaataan diinta Islaamka, waxase runtii ka qabsaday dhibaatadii iyo bahdilaaddii ugu weynad ee soo gaadha noloshiisa. Hase ahaatee, Rasuulku reer Taaif manuu habaarin, manuu ceebayn, iskamana fogeyn ee wuxuu weliba Allaah u beryey in uu soo hadeeyo isagoo cudurdaarna u sameeyey, oo yidhi: “Allaahuma ahdi qawmii fainahum laa yaclamuun” oo ah: Illaahow ummaddayda soo hanuuni wax baanay ogayne. Maantana waxaan wada ognahay in reer “Taa’if” ay ku abtirsadaan diinta Islaamka.

Dhamaan nebiyadii uu ummadaha u soo diray, Allah wuxuu kula wada dardaaray in ay diinta dadka ugu yeedhaan hab ay ku salaysan deganaasho, naxariis, dulqaad iyo dabacsanaani. Xattaa nebi Muusa oo uu Allah u diray ninkii fircoon ee Illaahnimada sheegtay, wuxuu kula dardardaarmay, “faquulaa lahu qawlan layinan, lacalahu yatadakaru aw yakhshaa – Suuradda Daaha 44” oo macnaheedu tahay waxaad waxa ugu sheegtaan hadal dabacsan, waxaa dhici karta in uu xasuus iyo cabsi muujiyee! Waxaanu Allah innoo sheegay in nebi kasta laga rabo gaadhsiin kaliya. “Wamaa cala rasuuli illal balaaqul mubiin – suuradda Al-Nuur:54” oo macnaheedu tahay “Rasuulku uma xil-saarna wax aan ahayn gaadhsiin cad oo xaq ah”.

Tusaalooyin aad u farabadan oo muujinaya xorriyadaa buuxda ee uu Allah addoomihiisa siisyey, ayuu qur’aanka innoogu sheegay, waxaana ka mid ah:

1) sheekadii Malaa’igta iyo Ibliis: markii uu Allah ku yidhi malaa’igta u sujuuda Aadam, dhamaanna ay u sujuudeen, Ibliis oo meesha joogay mooyaane, ka dibna uu Allah ku yidhi hadal machiniisu “Maxaad adigu ugu sujuudi weyday?” waxaanu Ibliis ugu jawaabay diidmo cad oo kibir ku jiro. (Fadlan ka bogo sheekadan oo dhmaystiran aayadaha ka bilaabma 34 ee suuradda Al-Baqraa). Xorriyad ka heersaraysa middaa labada kooxood la siiyey ma jirto. Malaa’igtu iyagu waxay doorteen in ay amarkii Allah qaataan, Ibliisna wuxuu doortay in uu si cad u diido, oo uu weliba kibir muujiyey, cadaystayna in uu weliba toos uga hor imanayo ciddii amarka Allah raacda ilaa maalinta qiyaamaha! (Si fiican uga sii bogo suuradda AL-Xijr, 32-40 isagoo weliba Allah ka baryey in uu arrinta waqti u siiyo, si uu hawshaas u dhamaystiro)

2) Sheekada labaad waa tii dhexmartay Nebi Nuux iyo wiilkii u dhalay,markii uu ka codsady inuu soo muslimo oo uu doonta lasoo fuulo inta aannu qarraqmin, ka dibna uu wiilkii ku gacansaydhay; hase ahaatee beerkii (caadifaddii) waalidnimadu Nuux dhaqaaqday ee uu Allah u baryey uu yidhi Illaahow waa wiilkaygii! Allaah wuxuu ugu jawaabay hadal macnihiisu yahay in aanu isagu yahay (waa wiilkee) camal aan wanaagsanayn. “Innahuu camalun qayru saalix”. Halkiina uu Nuux kaga dhaqaaqay. Wiilkiina uu xorriyadiisii ku noqday camal aan wanaagsanayn ka dibna halkii ku qaraqmay!

3) Tusaalaha saddexaad, waa Rasuulkeenii suubanaa (CSWS) oo Allah ku dejinayey naftiisa ee uu ku yidhi: “wallow shaa’a Rabbuka la aamana man fil ardi kulluhum jamiican, afa anta tukrihu naasa xattaa yakuunuu mu’miniin – Suradda Yuunis 99” oo macnaheedu tahay: “Haddii uu doonay Rabigaagu way rumayn lahaayeen cid kasta oo dhulka ku nool dhamaantood; adigu miyaad ku sandulleyn (khasbi) illaa inta ay ka noqonayaan kuwo rumeeyey.” Waxa kale oo uu Allah ku yidhi: “wa qulil-xaqqu min rabbikum, faman shaa’a fal yu’min, waman shaa’a fal yakfur…” Al-kahf 2). Oo la macno ah: “waxad ku tiraahdaa Xaqqu (ama runtu) waa ka/(ta) Rabbigiinna ee kii doonaa (rabaa) ha rumeeyo, kii doonaana ha dafiro…”. Xataa markuu nebigu dareen werwer ah ka muujiyey shakhsiyaad ku gacan sayadhay, Allah wuxuu yidhi: “fa dakir innamaa anta mudzakir lasta calayhim bi mussaydir – Alqhaashiya 21-22”; “Xasuusi, adigu waxaad tahay uun xasuusiye eh, dushooda awood kuma lihid aad ku xukuntid (control)”.

In kasta oo, sida kor ku xusan, uu Allah dadka oo dhan siiyey xorriyad buuxda oo ay waxay rabaan ku samayn karaan ama ku aamini karaan (free will), hadana waxa kale oo uu barbar-dhigay qaacido (formula) dhamaystiraysa xorriyadaa oo qeexaysa in qof kasta oo bani-aadam ahi wixii uu ku kaco ee khayr ah ama shar ah in uu Allah kalidii xisaabi doono ama ha yaraato ama ha weynaatee: “faman yacmal misqaala daratin khayran yarahu, waman yacmal misqaala daratin saran yarahu – Al-zalzala 7 & 8”.

Iyada oo ay qaacidadaasi adduunka si dadban u dhaqan-gasho oo marar badan laga dareemo waayaha jira (sidan kan haysta ummadda Soomaaliyeed), hadana xisaabta kama dambaysta ah wuxuu Allah ugu talo galay maalin gaar ah oo ah maalinta qiyaamaha. “wa nadacul mawaaziina bil qisda liyawmil qiyaama, falaa tudlamu nafsun shay’an wa in kaana misqaala xabatin min khardalin attaynaa bihaa, wa kafaa binaa xaasibiin – Al-anbiyaa 47”. Macnaheeduna tahay: Waxaaanu si cadaalad ah u dhigi miisaanada maalinta qiyaamaha, nafna waxba lagu dulmi maayo, hadday tahay waxa ugu yar oo xabed midhaha (mustard)ka leeg waannu u keeni doonnaa, waxa nagu filan in aannu Annagu nahay kuwa xisabinaya.

Sidaa awgeed, ma bannaana in qof tiisiiba aan daryeeli karin oo aan awood u lahaynin in uu qof kale ifka ku xisaabiyo oo uu ku gaaleeysiiyo haddii uu ka fikrad/dariiqad duwanyahay, ama uu ugu bishaareeyo janno aanu isagu u haynin haddii uu arko in uu sidiisa wax ula arkayo oo uu amarkiisa ku dhaqmayo. Xatta rasuulkiisa ayuu Allah u sheegay in aanu wakiil cidna uga ahayn. Aragtidaydana, wakiilnimadaa oo ay dad muslimnimo sheeganayaa isa siiyeen ayaa ah arrinta ummadda Islaamka u keentay dhibaatadan ku habsatay ka dib markii ay koox koox noqdeen ee ay qoloba qolo gaalaysiisay, heer ay qaar lacag ku urusadaan oo ay dadka masaakiinta ah ku siraan in ay Allaah uga dhawyihiin oo ducaddodu ka qiimo badantahay tooda oo ay lacag u hayso!

Sidoo kalena, ma bannaana in qof adeegsado awood caadifadeed si uu qof kale ugu khasbo in uu qabiil ahaan ku raaco.

Si hadaba looga guulaysto raad-xumada ay keento sandulleyntu, waxa qof kasta oo Soomali ah ku haboon ayey ila tahay, gaar ahaan dhalinyaradda mustaqbalka ummaddda ah, in aynnu olole fikradeed ku qaadno la dagaalanka habdhaqanka sandulleynta diinta (ta muuqata) iyo qabiilka (ta qarsoon) oo lagu bedelo istixgelin iyo ixtiraamid fikirka kale (respect of the other idea). Waxaanay taasi ku imaanaysaa cilmi sax ah oo caadifad ka xor ah in arrimaha lagu eego. Waxaan wada ognahay in ay fiicantay, adduun iyo aakhiraba, in waxa wanaagsan la iskaga daydo, iyadoon cidna cid kale fikirkiisa ku khasbayn, kuna collaysanayn qofka kale haddiiba arrimaha qaar lagu kala argti ama fikir duwanyahay, balse si hufan la isku qancinyo oo caqliga iyo cilmiga la adeegsado. Waxase muhiim ah in sidaa aynnu ku hirgelinno nolol maalmeedkeenna oo aynnu caado ka dhiganno doodis xor ah, xalaal ah, nadiif ah, oo aan turxaan lahayn wax kasta oo nolosheenna khuseeya. Markii ummad sidaa laga helona, waxaan shaki ku jirin in laysku soo dhawaado oo wanaag iyo ixtiraam lagu wada noolaado. Dadka Soomaaliyeedna maanta maalin ay taa uga baahi badantahay ma jirto, la’aanteedna meel ay u socoto oon burbur iyo baaba’ ahaynin ma jirto.

Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax